Saraakiisha Maamulka Xuduudda Ethiopia Iyo Djibouti Oo Kulmay

Cali-Sabiix, (HCTV) – Saraakiisha maamulka xuduuda ee dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayaa kulan laba geesood ah maanta ku yeeshay magaalada Cali-Sabiix ee dalka Djibouti.

Furitaankii kulankaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay Yibeltal Aemero, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha dibada Ethiopia ahna u qaybsanaha IGAD, kaas oo sheegay in Ethiopia iyo Djibouti ay leeyihiin xidhiidh taariikhiya oo ay wadaagaan arimo ay ka mid yihiin luuqada, dhaqamada iyo is-dhexgalka bulshada.

Waxaanu ku baaqay in la xoojiyo wadashaqaynta iyo is-dhexgalka bulshada iyadoo la iska kaashanayo ka hortaga ganacsiga sharci-darada ah iyo tahriibinta dadka si bulshooyinka labada dal ay faa’iidooyin u gaadhaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha dalka Djibouti Siraj Omar Abdoulkader, ayaa isaguna dhinciisa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii loo sii horumarin lahaa xidhiidhka labada dal iyo xoojinta adeegyada dhaqaalaha ee dalada wadan, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu si wada jir ah uga shaqaynaynaa sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii aanu gacan uga gaysan lahayn kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha,”.

Sidoo kale Safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Djibouti Abdulaziz Mohammed ayaa isaguna hoosta ka xariiqay in labada dal ay ka wadashaqaynayaan adeegyada aasaasiga ah.

Waxaanu intaasi ku daray Ambassador Abdulaziz in jidka tareenka ee labada dal u dhexeeya uu gacan xoog leh ka gaysto kor u qaadida iyo kobcinta dhaqaalaha labada dhinac.

Sidoo kale arimaha kulankan saddexda maalmood ah u socon doona labada saraakiisha maamulka xuduuda ee Ethiopia iyo Djibouti ayaa lagu faaqidi doonaa arimo ay ka mid yihiin Amaan, Ganacsiga, Socdaalka Dadka, iyo arimo kale oo dhawr ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.