Liibiya: Ugu Yaraan 40 Tahriibeyaal ah Oo Duqayn Lagu Dilay

Tripoli, (HCTV) – Ugu yaraan 40 qof oo Muhaajiriin ka soo kala jeeda qaarradda Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib markii madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriinta ah oo ku taalla duleedka magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya.

Saraakiisha arrimaha gudaha ee dalka Liibiya ayaa xaqiijiyey in tirada dhimashada dadkaasi lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libiya ay intaasi ka badnaan karto, isla markaana shaqaalaha gargaarka deg degga ahi ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Bayaan ka soo baxay Dowladda ay beesha caalamku aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka.

Taas oo War-saxaafadeedka ka soo baxay lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar oo isagu dagaal xoogan kaga soo horjeeda dawlada beesha caalamku aqoonsan tahay ee ka arimisa caasimada Libya ee Tripoli.

Hase yeeshee ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Liibiya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.