Roobab Xoogle Oo Ka Da’ay Mumbai Oo Khasaare Sababay

Mumbai, (HCTV) – Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay dayr ku soo dumay markii roobab xoogle ay ka da’ay magaalada Mumbai ee dalka India, roobabkan maansuunka loo yaqaano ayaa noqonaya kii ugu baaxada weynaa ee caasimada iyo agagaaraheeda ka tada mudo hada laga joogo tobanaan sanadood.

Waxaanay dawlada dalka India ay ku dhawaaqday fasax guud iyadoo dadka deegaamadaasi ay ka da’een roobabku ugu baaqday inay guryaha joogaan oo aanay u soo bixin dibadaha si aanay waxyeelo uga soo gaadhin daadadka xooga leh ee ay soo rogeen roobabkaasi waaweyn ee aan hore loo arag.

Dugsiyada dawlada iyo colleges ayaa xidhan iyadoo sidoo kale boqolaal duuilimaad la joojiyey iyadoo madaarkii Mumbai gabi ahaanba la xidhay roobabka Maansuunka awgeed.

Sidoo kale dhabaha ay diyaaraduhu ay ordaan ayaa la xidhay kadib markii diyaarad nooceedu ahaa SpiceJet plane oo siday 167 rakaab ah iyo shaqaalihii saarnaa ay ka baxday dhabaha waxyar ka dib habeen badhkii isniintii markii ay ka soo dagtay madaarka Mumbai ee dalka India.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.