Qaramada Midoobay Oo Ayaa Dambi-Dagaal Ku Macnaysay Duqayn Tahriibayaal Lagu Dilay

EU (HCTV) – Diyaarad dagaal ayaa duqaysay Xarun lagu hayo Tahriibayaal Afrikaan ah, Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya.

Duqayntan oo dhacday Arbacada Maanta ayaa la xaqiijiyey inay ku Geeriyooday ugu yaraan 40 Qof, sida laga soo xigtay Xarumaha Caafimaadka ee ay Maamusho Dawladda ay Qaramada Midoobay.

Diyaaradda duqaysay Goobta lagu hayo Dadka Tahriibayaasha ah ayaa sidoo kale waxay dhaawacday 80 kale, sida uu xaqiijiyey Malek Merset oo ah Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Liibiya, kaasi oo Baraha Bulshada ku faafiyey Muhaajiriinta dhaawacmay oo Gaadiidka Gurmadka deg-degga ahi u daabulayaan Cisbitaallada.

Muuqaal dhex wareegaya Baraha Bulshada ayaa muujinaya Xarunta Tahriibayaashu ku jireen oo wada dhiig ah iyo Qaybo ka mid ah jidhka Dadka halkaa ku Geeriyooday.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga, xafiiskeeda Liibiya ayaa Cambaareeyay duqaynta lala beegsaday goob hoy u ahayd 616 Tahriibayaal iyo Qoxooti.

Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ayaa weerarkan ku eedaysan Ciidammada Liibiya ee Daacadda  u ah Marshal Khalifa Haftar, waxayna Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Liibiya ugu baaqday inay sameeyaan Guddi arrintan baadhitaan ku sameeya.

Ciidammada Marshal Khalifa Haftar ee LNA ayaa beeniyey inay duqeeyeen goob Muhaajiriin lagu hayey, sida ay baahisay Reuters, waxayna taa beddelkeeda ku andacoodeen in Ciidammada Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay iyo Maleeshiyaad xulafo la ahi ay falkan ku qarinayaan Xerooyin Tababbar oo ay halkaa meel ku dhow ku leeyihiin.

Qaramada Midoobay oo Arrintan ka hadashay ayaa dambi-dagaal ku macnaysay duqaynta lagu laayey Tahribayaasha.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka