Xukun Lagu Riday Rag Kenya U Qabatay Weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Nairobi (HCTV) – Saddex Rag ah oo Dawladda Kenya ku eedaysay inay ku lug lahaayeen Weerar Jaamacadda Gaarisa ay Al-shabaab ku qaadday sannadkii 2015 ayaa la xukumay Arbacada Maanta.

Xaakimka Maxkamadda la soo taagay Saddexda Nin, Magistrate Francis Andayi ayaa Mohamed Ali Abdikar iyo Hassan Aden Hassan midkiiba ku xukumay 41 sannadood oo xadhig ah, halka Rashid Charles Mberesero oo u dhashay Dalka Tanzania loogu xukumay Xabsi daa’in doorkii uu ku lahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen 148 Qof.

Dhammaan Afartan Qof ee xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb-qaateen weerarka Gaarisa, sidoo kalena ay dileen Askar Boolis ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa Hoggaamiyihii Weerarka Gaarisa oo Magaciisa lagu sheegay Mohamed Mohamud, kuna Magac dheeraa “Kuno” oo mar ka mid ahaa macalimiinta Jaamacadda la weerarray, ayaa isaga lagu dilay Koonfur-galbeed Soomaaliya 2016, sida ay qoreen Warbaahinta Kenya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka