Akhri: Waa Kee Filimka Uu Kim Jong Un Kasoo Qaatay Fikradda Ilaaladiisa?

Pyongyang, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump waxa uu safar taariikhiya uu ku tagay isniintii carada dalka Waqooyiga Kuuriya isagoo halkaasi kula kulmay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un.

Kulankani waxa uu banaanka soo dhigay sirihii qarsoodiga ahaa ee loo ilaalinayey iyo qalabkii lagu ilaalinayey amaanka Madaxweyne Kim Jong Un.

Nolosha Kim Jong Un waxa ku gadaaman siro badan, ilaaladiisu waxay ahaayeen kuwo si xiiso leh u muuqday intii lagu gudo jiray safarkii Singapore uu ku tagay sanadkii la soo dhaafay ee uu Maraykanka wadahadalka kula yeeshay, taas oo la arkayey darsin ilaalada Kim oo dhinacyada ka yaacaya gaadhigii Madaxweynuhu saarnaa, oo iyadu markaasi bogaga hore ee warbaahinta qabsatay.

Waxa uu HCTV idiin soo turjumay warbixinta laga diyaariyey Filimka uu ka soo qaatay Madaxweyne Kim Jong Un Fikirka ilaaladiisa.

Hadaba waxa la ogaaday in fikrada ilaaladan uu ka helay Filim laga matalay markii la shirqoolay madaxweynihii dalka Maraykanka John F. Kennedy, filimkaasi oo la yidhaa (In the Line of Fire) ayaa ilaalada qarsoon ee loo yaqaano “Secret Service agents” ay hareero yaacayaan gaadhiga madaxweynaha dalka Maraykanka.

Hase yeeshee in aad Bodyguard aad u noqoto hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya waa mid aad u adag – sida uu sheegay Lee Yeong Guk, oo bodyguard ama ilaalo u noqday Kim Jong Un Aabihii Kim Jong Il, kaas oo yidhi “Way ka adagtahay in aad ku gudubtid Irbad daloolkeed,”.

Sida caadiga ah ilaalinta Madaxweynaha cida loo qoranayo ama loo shaqaalaysiinayo waxa ay ka timaadaa milatariga, iyo in aad ka gudubto dhawr tijaabo oo dhinaca Caafimaadka, Aragtida indhaha iyo muuqaalkaaga, qof ahaantaada iyo qoys ahaan taariikhda aad leedahayba.

Madaxweynaha dalka Kuuriyada Waqooyi waxa uu leeyahay talis dhan oo qaabilsan ilaalinta madaxweynaha oo kaliya, kuwaas oo lagu qiyaaso 100,000 – oo ciidamo xoogan ah, waxaanay qabtaan shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhadhaminta cunta inta aan loo keenin, marka uu xataa musqusha tagayo in la ilaaliyo, iyo in DNA-diisa aan qof ajnabi ahi aanu macluumaad ka helin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.