LIIBIYA: 20 Muhaajiriin Ah Oo Gaajo Ugu Geeriyooday Hangar Ay Bilo Ku xeraysnaayeen

Liibiya (HCTV) – In ka badan 20 Muhaajiriin ah ayaa u Geeriyooday Gaajo iyo Harraad, ka dib markii dhowr bilood lagu haystay Saxaraha galbeed ee Liibiya.

Inta ka bedbaadday dhibaatada taalla Saxaraha Liibiya ayaa Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay iska indho-tireen intay dhacayeen dhibaatooyinka ku qabsaday Saxaraha Liibiya, wax qabashadooduna soo daahday.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dadka geeriooday lagu hayey Hangar ama hool uu buux-dhaafiyey Qashin, Gooryaanka Nadaafad-darrada ka dhasha, kulayl darana uu halkaa ka dhacayey, kaasi oo ciqaabayey Dadka Muhaajiriinta ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR ayaa eedaymahaasi iska fogaysey.

Dadka Geeriyooday ayaa dhibaatada Gaajada, Harraadka iyo Kulaylka halkaa ka jira ka sakow u geeriyooday ciqaab joogto ah oo lagu hayey, halka qaarkoodna xanuunsadeen.

Dadka Geeriyooday oo Kiristaan ahaa awgeed, weli lama aasin, maaddaama buu warku sheegay aanay jirin Xabaalo loogu talo-galay Dadka Kiristaanka ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka