Meyd Diyaaradda Kenya Ka Soo Dhacay Oo Loo Malaynayo Inuu Shaqaale Ahaa

Nairobi (HCTV) – Qofkii isku Qariyey halka Taayirradu galaan ee diyaaradda Kenya Airways ee 2-dii bishan Meydkiisu ku soo dhacay Magaalada London ayaa la sheegay inuu noqon karo Qof Shaqaale ka ahaa Garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Madaxa Waaxda Duulimaadyada ee Kenya ayaa sheegay in Qofka Meydkiisu ka soo dhacay diyaaradda uu u badan yahay Qof Shaqaale ka ahaa Garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Diyaaraddu waxay ka duushay Garoonka Nairobi, waxayna ku socotay Heathrow oo London ku yaall, markii Meydku ka sooo dhacay beer ku taalla Galbeedka Magaalada London.

“Waxay u badan tahay in Ninkaasi uu Sharci u lahaa inuu galo Garoonka..” ayuu yidhi, Madaxa Laanta Socdaalka ee Kenya oo ka hadlayey sida ay Qof Shacab ah ugu suurto-gashay inuu ku dhuuntu halka Diyaaraddu Taayirka gashato, maaddaama oo garoonka Amnigiisu sugan yahay, Duuliyeyaasha diyaaradduna ay wax walba hubiyaan, ka hor in aanay kicin diyaaraddu.

Booliska Ingiriiska ayan weli caddaynin Jinsiyadda Qofka London uu Meydkiisu ku soo dul dhacay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka