Boeing Oo 100 Million Ugu Yaboohday Ehelada Dadkii Ku Dhintay Diyaaradihii 737 Max Ee burburay

USA (HCTV) – Shirkadda Diyaaradaha samaysa ee Boeing ayaa 100 Million oo dollars ku caawisay Qoysaska ay Dadku kaga dhinteen laba diyaaradood oo Shirkaddaasi samaysay, kuwaasi oo midkood ay lahayd Itoobiya.

Labada diyaaradood oo ahaa 737 Max ayaa midkoodna ku dhacday Dalka Itoobiya ay ka duushay iyo Indonesia, waxaana marka labadooda la isku daro ku Geeriyooday 346.

Boeing ayaa sheegtay in Lacagtan lagu bixinayo Waxbarashada iyo kharashaadka nololeed ee Qoysaska Dadku kaga Geeriyoodeen diyaaradaha 737 Max.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo Lambarkeeda duulimaadku ahaa ET302 oo dhacday Bishii March ee sannadkan ayaa ahaa Shilkii labaad ee muddo Shan bilood gudahooda ah ku yimaadda diyaaradaha nooca 737 Max ee ay samayso Shirkadda Boeing, ta labaadna waxay ahayd diyaarad ay lahayd Shirkadaha Lion Air, waxayna soo dhacday bishii October ee sannadkii 2018-kii.

Madaxa fulinta ee Shirkadda Boeing, Dennis Muilenburg ayaa sheegay inay ka xun yihiin Dadkii ku dhintay diyaaradaha Shirkaddoodu samaysay ee dhacay, waxaanu sheegay inay xasuusnaan doonto Dadkaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka