Bangladesh: 9 Qof Oo Xukun Dil Ah Lagu Riday Markii Ay Weerareen Sheekh Hasina Oo Hogaamisa Dalkaasi

Bangladesh, (HCTV) – Maxkamada Bangaladesh ayaa ayaa sagaal qof ku riday xukun dil ah, halka 25 kalena ay ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii ay weerar ku qaadeen tareen siday hogaamiyaha siyaasada dalkaasi Sheikh Hasina, 25 sanadood ka hor.

Raysal Wasaaraha xiligan ee o0 xiligaasi weerarka lagu soo qaaday ahayd hogaamiyaha mucaaridka ayaa saarnayd tareen kuwa rakaabka ah waxaana weerarka lagu soo qaaday xili uu taagnaa Maxadada tareenada ee Pakshi Railway Station, bishii Septem 23-keedii sanadkii 1994-kii.

Weerarka ayaa isugu jiray toogasho iyo bambooyin lagu soo qaaday tareenka, waxaana halkaasi ku dhintay daraasiin dadkii saarnaa tareenka inkastoo aanay hogaamiyaha dalka Bangaladesh Sheikh Hasina aanay waxba ku noaqon.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka Bangladesh Nationalist Party, oo ay hogaaminaysay Hasina ayaa Raysal Wasaarahii hore Khaleda Zia ay diiday arbacadii xukunkaasi oo in siyaasadi ay dabada ka waday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.