Roob Iyo Fatahaado Khasaare Gaadhsiiyey Ruushka

Siberia, (HCTV) – Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhinta daadad ku dhuftay gobolka Siberia ee dalka Ruushka, sida ay sheegtay dawlada dalkaasi.

Heerka biyaha ayaa meel sare gaadhay, iyadoo kumanaan qof ay ka barakeen guryahoodi waxaana ilaa iyado la lahay sideed qof.

Fatahaadahan ayay sababeen roobabka xiligan ee loo yaqaano Torrential rains kuwaas oo ka da’ay todobaadkii la soo dhaafay dalkaasi Ruushka. Heerka biyuhuna si dhakhso ah ayay sare ugu socdaan iyagoo ka sara maray laba mitir.

Dad lagu qiyaasay 30,000 qof ayaa wakhti xaadirkan ku sugan laydh iyo koronto la’aan waxaanay biyuhu buuxdhaafiyeen wadooyinka.

Waaxda gurmadka degdega ah ayaa iyaduna ku dhawaaqday in 1,300 oo guri ay dumeen, halka 10,000 qof ay saamayn ku yeesheen roobabku.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa booqday goobta isagoo wasiirkiisa difaacana ku amray inuu ciidamo xaallada gacan ka geysta uu u diro meelaha ay fatahaaduhu ka dhaceen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.