Somalia Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Dalka Guinea

Somalia Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Dalka Guinea

Quwadaha Adduunka Oo IRAN La Leh Kulan Lagu Bedbaadiyo Heshiiskii Nuklearka
Baanka Oo Xaaraan Ku Sheegay In Maceeshadda Aan Qiimaha Sarrifku Marayo Lagu Iibin
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Ayaa Ka Jawaabay “Xil Ka Qaadis Ay Ku Sameeyeen Baaralamaanka Galmudug”
Soomaaliya: Hal Qof Oo Loo Qabtay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee La Xaday
10 Jir U Geeriyootay Gudniinka Gabdhaha

Muqdisho, (HCTV) – Dawladda Somalia ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ay u jartay dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Guinea. Go’aankan ayaa soo baxay kadib markii ay maanta shir yeesheen Golaha Wasiirada ee Somalia.

Talaabadan ay qaaday dawlada Somalia ayaa imanaysa kadib markii Somaliland ay xidhiidh la samaysay dalkan ku yaala Galbeedka Afrika Guenea oo martiqaad rasmi ah u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ku jooga dalkaasi.

Go’aankan dawlada Somalia oo uu ku dhawaaqay Wasiirka Arimaha Dibada Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay in talaabadaasi ay ka soo horjeedo madaxbanaanida Somalia iyo midnimada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Taariikh Ahaan Somaliland iyo Somalia

Somaliland ayaa ahayd maxmiyad ka tirsan boqortooyada Ingiriiska oo xoriyada ka qaatay sanadkii 1960-kii, Halka dawlada Somalia ay gumaysatay dawlada Talyaaniga oo xornimada siisay Somalia isla sanadkaasi 19960, waxaanay labada dawladood dawladood ee Somaliland iyo Somalia ay midoobeen shan maalmood ka dib isla sanadkaasi 1960.

Hase yeeshee Somaliland ayaa ku dhawaaqday mar kale inay xornimadeedii la soo noqotay 1991-kii dagaal kadib, ilaa iyo hadana ma jiro aqoonsi caalami ah oo ay ka heshay beesha caalamka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: