Markab Siday Shidaal Iran Leedahay Oo La Qabtay

Gibraltar, (HCTV) – Ciidamada badda dalka Ingiriiska ayaa qabtay markab siday shidaal la sheegay in dalka Iran leeyahay.

Markabkan oo magaciisa la yidhaa The Grace 1 ayaa maanta oo khamiis ah galay meel loogu tala galay in lagu xaqiijiyo alaabta ay maraakiibtu sidaan oo ku dhulka UK oo dhinaca ku haya xeebta koonfureed ee Spain.

Waxaanay wararku sheegayaan in Dawlada dalka Iran ay u yeedhay safiirkii Ingiriiska u fadhiya Tehran si ay wax uga waydiiyaan Markabkaasi shidaalka siday ee lagu qabtay Gibraltar, sida uu ku waramay telefishanka qaranka Iran oo soo xigtay afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada Iran, oo magaciisa la yidhaa Abbas Mousavi.

Talaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay sii fogayso khilaaf u dhexeeyey dalalka reer Gableedka iyo dalka Iran.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.