Iran Oo U Yeedhay Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Tehran

Tehran, (HCTV) – Iran ayaa u yeedhay Safiirkii Britain u fadhiyey Tehran si ay ugu gudbiso cabasho ku saabsan qabashada Markab siday saliid Iran Leedahay.

Ciidamada Marines-ka dalka Ingiriiska ayaa maamulka Gibraltar ka caawiyey qabashada markabkaasi sababtoo ah waxa uu ku xadgudbay cunaqabatayntii la saaray dalka Suuriya.

Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada Spain ayaa isaguna sheegay in qabashada markabka Grace 1 – ay timid markii Maraykanku uu codsaday in la qabto.

Si kastaba ha ahaatee Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Iran oo magaciisa la yidhaa Abbas Mousavi ayaa telefishanka dalka Iran u sheegay in sababta loogu yeedhay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Iran, Mr Robert Macaire ay Markabka sida sharci darada loo qabtay.

Sidoo kale Xoghayaha Arimaha dibada Ingiriiska Jeremy Hunt ayaa ka hadlay arintan, halka maamulka Gibraltar ay sheegeen in sababta loo qabtay markabkani ay tahay iyadoo la rumaysan yahay inuu sido saliid qaydhin oo dalka Iran leeyahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.