“Maya, Safaarado Iskuma Lihin Aanu Isdhaafsanay” Wasiirka Arimaha Dibada Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Wasiirka Arrimaha dibada Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dalka Guinea ee ay xidhiidhka u jareen aanay dhexmarin labada dal ee Somalia iyo Guinea wax xidhiidh safaaradeed oo labada dal ay is-dhaafsadeen.

Balse Guinea ay tahay dal ay ka wadatirsan yihiin Afrika oo xidhiidh ay lahaayeen inkastoo aanay safaarado joogin.

Wasiirka Arimaha dibada Somalia waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu Siiyey BBC-da, ugu horayna isaga oo ka hadlaya sababta ay xidhiidhka ugu jareen dalka Guinea ayaa waxa uu yidhi “Dalkaasi waxa uu ku xadgudbay qaranimadayada iyo midnimada Somalia, markaa xadgudub ayuu arimahaasi ku sameeyey, warbaanu u dirnay aanu ku leenahay waa in aad ka feejignaataan arintan, waanay ku dhiiradeen, sababtaa ayaanu ugu jirnay xidhiidhka.

Wasiirka Arimaha dibada Somalia, mar la waydiiyey Guinea ma ku leedihiin wax safaarad ah, iyaduna dhankeeda ma u joogaa Somalia wax safiir ahi?

Maya, Safaarado iskuma lihin aanu isdhaafsanay, laakiin waa dal qaarada Afrika ka mid ah oo xidhiidh aanu lahayn inkastoo aanay safaarado joogin, dalal badan oo waxa jira aanu xidhiidho leenahay inkastoo aanay joogin safaarado.

Markaa Mudane Wasiir Dal aan xidhiidh siyaasadeed aan idinka dhaxayn sideed ugu jaraysaan xidhiidhka?

Waxaanu ugu jaraynaa, xidhiidhku kuma xidhna oo kaliya safaaradaha, xidhiidhku forum-yo badan ayuu ku jiraa, waa laba dal oo aanu afrika ka wada tirsanahay, Ururka dalalka Islaamka aanu ka wada tirsanahay, markaa xidhiidhkayagii labada dal ka dhexeeyey ayaa xumaaday, oo anaguna aanu cabirnay taasi.

Kenya waa ay nooga duwan tahay Guinea, xidhiidho badan ayaa naga dhexeeyey, wax isdhaafsi badan ayaa naga dhexeeyey, markaa sawiro dheeraad ah ayaanu u muujinay xidhiidhka naga dhexeeyey iyo daris ahaanta naga dhaxaysay.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada Somalia, Axmed Ciise Cawad.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.