Djibouti Oo Aan Wali Bixin Deyntii Ay Dawladda Iran Ugu Dhistay Dhisme Caan Ah

Tehran, (HCTV) – Dawladdo farabadan oo dibada ah iyo kuwo lacago ka amaahday hay’adda EGFI ee Iran oo hoostaga wasaarada Ganacsiga dalkaasi si gaar ahna ugu qaabilsan maalgalinta dibada, ayaa waxa ka mid ah meelaha ay maalgaliyeen ee aan daymihii ay ku lahaayeen wali bixin Baarlamaanka dalka Djibouti oo ay maalgaliyeen, isla markaana ay dhiseen, sida ay sheegtay gudoomiyaha hay’addaasi EGFI.

Waraysi ay daabacday warbaahinta Tasnim khamiistii, ayay Afrooz Bahrami ay ku sheegtay in ganacsiyada dibada iyo dawladaha ay boqolkiiba 70 ay ku leeyihiin lacagahaasi daymaha ah ee ay ku maalgaliyeen.

Iyadoo ay taasi ugu wacan tahay dhibaatada dhinaca siyaasada ayaa EGFI ay ku doonaysaa inay ku soo ceshato hab diblomaasiyadeed iyo wadaxaajood daymahaasi kaga maqan dibada si ay u bixiyaan, ayay intaais ku dartay.

Waxaana sidoo kale ay sheegtay in daymo ay bixiyeen ay dib u heleen, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Sri Lanka, Sudan, Cuba iyo Zimbabwe sanadadii la soo dhaafay ayay Bahrami ay intaasi ku dartay, hase yeeshee dal sida Djibouti oo kale ah oo Dhismaha Baarlamaankooda ay dhiseen Qandaraaslayaal lagu maalgaliyey lacagta Iran, ayaan wali bixin daymahaasi.

Ugu dambayntiina waxa ay sheegtay gudoomiyaha hay’addan Iran u qaabilsan maalgashiga dibada ee EGFI, Ms Bahrami, in lacagaha kaga maqan dawladaha dibada, bangiyada dawladaha iyo shirkado ee ay leedahay hay’addan Iran in qadarkeedu uu dhan yahay 10 trillion rials, sida ay sheegtay.

Hay’addan ayaa la aasaasay 1973, oo loo yaqaano EGFI kaas oo ah kii ugu horeeyey ee daymo siiya dalalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.