Somaliland Maxay Kaga Jawaabtay Go’aanka Soomaaliya Xidhiidhka Ugu Jartay Gini ?

Gini (HCTV) – Somaliland ayaa ka jawaabtay Hadal Dawladda Federaalka Soomaaliya Maanta ku sheegtay inay xidhiidhka u jartay Dawladda Gini, ka dib markii Dalkaa lagu soo dhaweeyay Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland oo Marti-qaaday ka helay Madaxweynaha Dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Caawa Shir-jaraa’id ku qabtay Caasimadda Dalka Gini oo Weftiga Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogaan ayaa isagoo daba socda go’aanka Soomaaliya ilaaqaadka ugu jartay Gini, wuxuu sheegay in Gini aanay Maanta u baahnayn Soomaaliya, balse Soomaaliya u baahan tahay Gini.

Wasiir Faratoon oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa na soo gaadhay in Maamulka Xamar ka taliyaa uu arrintaa ka xumaaday (Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Gini), sidaa daraadeedna uu gooyey ilaaqaadkii uu la lahaa Dalka Gini, hadday sidaa ku Waddana Dalal badan ayay ilaaqaadka ka goosanaysaa, Waayo? Somaliland horena Caalamka Xidhiidho ayay ula lahayd, imikana way la leedahay mana joojinayso, malaha imika ayuun bay ku hambabareen.”

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland wuxuu sheegay in Dawladda Soomaaliya lagu ilaaliyo Xamar isla-markaana Dalalka Afrika ay Ciidamo Nabad-ilaalineed ka joogaan, sidaa darteed Xidhiidhka ay u jartay Gini aanay Somaliland waxba ku yeelayn ee ay iyadu wax iska xumaynayso “Maamulka Xamar ka dhisani isagaa Gini u baahan Maanta ee Gini uma baahna, waxna ma yeeli karo xidhiidhka wanaagsan ee u bilaabmay Somaliland iyo Gini.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xamar iyadaa la ilaaliyaa, Maamulka halkaa jooga isagaa wax la taraa oo nabadgalyadiisa la ilaaliyaa, isagaa Nabadgalyadiisa la ilaaliyaa, isagaa Guryaha lagu hayaa, isagaa dhaqaale la siiyaa, isagaa Afrika oo dhan Ciidamo ka joogaan, markaa isagaa wax iska biinaya ee Annaga waxba nama yeelayo.”

Wasiirku wuxuu go’aanka Soomaaliya ku macnaheeyay mid muujinaya in Ficillada Dawladda Federaalka Soomaaliya yihiin kuwo wax sii kala fogayaya “Waxay na tusaysaa uun Cadaawadda, Ciilka iyo kala fogaansho mooyaane inaanu wax kale ku kicin…” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Gini ay kulmeen isla-markaana ka wada-hadleen danaha labada Dal iyo Arrimo kale la xidhiidha Danaha Mandaqadda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka 

Cabdiqaadir Aadan Carab