80 Tahriibayaal Ah Oo Doon Kula Dagtay Xeebta Tunisia

Tunis, (HCTV) – Ugu yaraan 80 Tahriibayaal ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii doontii ay saarnaayeen ay kula rogmatay xeebta dalka Tunisia.

Afar qof ayaa la soo badbaadiyey markii doon nooca la buufiyo ahi ay kula dagtay biyaha magaalada Zarzus – balse mid ka mid ah labadaasi qof ee la soo badbaadiyey ayaa ku dhintay cusbitaalka, siday wararku ay sheegayaan.

Sidoo kale Saddex Mali u dhashay oo la soo badbaadiyey ayaa sheegay inay ka soo baxeen magaalada Zuwara ee dalka Libya, kaas oo noqday meesha ugu weyn ee ay tagaan muhaajiriinta doonaya inay gaadhaan Yurub.

Dalka Libya ayaa noqday goob dagaal oo kala qaybqaysan tan iyo intii xukunka dalkaasi laga tuuray Muammar Qadddafi  oo mudo dheer soo xukumayey dalkaasi oo la dilay sanadkii 2011-kii.

Kumanaan Tahriibayaa, ah oo qaar badan oo ka mid ahi ay ka yimaadeen dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ayaa lagu haystaa xerooyin loo samaystay oo ku yaala dalkaasi Libya.

Maalintii Arbacadii ayay ahayd markii ugu yaraan 53 Tahriibayaal ah lagu dilay xarun lagu hayay oo ku taalay Tripoli markii duqayn dhinaca cirka ah lala beegsaday.

Bishii May ayay ahayd markii 65 qof laga tuuray doontii ay saarnaayeen oo ka timid Libya iyagoo ku qaraqmay xeebaha dalka Tunisia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.