Shiinaha Oo Boqolaal Kun Oo Caruur Muslimiin Ah Iyo Qoysaskooda Kala Kexeeyey

Xinjiang, (HCTV) – Dalka Shiinaha ayaa kala kaxeeyey caruur iyo qoysaskoodii oo muslimiin ah gobolka ku yaala galbeedka dalkaasi ee Xinjiang, sida ay sheegayso warbixin cusub.

Taas oo tilmaantay in boqolaal kun oo dad waaweyn ah lagu xareeyey xerooyin waaweyn, iyadoo wada olole ay ku dhisayso dhismayaal dugsiyada loo hoyada ah.

Waraaqo documentiyo ah iyo waraysiyo laga qaaday xubno dibadaha ku sugan oo ka mid ah qoysaskaasi xerooyinka lagu xareeyey ayaa cadeeyey arimahaasi.

Waana warbixintu ay muujisay in magaalo kaliya in ka badan 400 caruur ah uu midkiiba waayey hal waalid ama labadaba oo ay ku jiraan Xerooyinkaasi ama xabsiyadaasi.

Shiinaha ayaa ilaalo iyo gacan ku hayn adag duldhigay gobolka Muslimiinta Shiinuhu ay ku noolyihiin ee Xinjiang, halkaas oo suxufiyiinta ajnabiga ah ee taga lala socdo 24-ka saacba maalin kasta dhaqdhaqaaqyadooda, taas oo suurtagal la’aan ka dhigtay inay cadaymo ay ka keenaan halkaasi, balse waxa laga heli karaa Turkiga.

Hool weyn oo ku yaala Istanbul, daraasiin dad ah ayaa safaf ugu jira si ay u sheegaan sheekooyinkooda, qaar badana waxay sitaan sawirada caruurtooda, oo ku maqan dhulkii ay ka yimaadeen ee Xinjiang.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.