Tunisia Oo Mamnuucday Niqaamka

Tunis, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Tunisia Youssef Chahed ayaa mamnuucay niqaamka wajiga lagu qariyo iyo lagu xidho goobaha dadweynaha sababo amaan awgeed.

“Raysal Wasaare Chahed waxa uu saxeexay digreeto dawladeed oo qof kasta ka mamnuucaysa in qof kastaa uu wajigiisa qariyo gaar ahaan xarumaha dawladda iyo dadweynaha sababo amaan awogeed,” sida ay saraakiil dawladda ka tirsani ay u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee Reuters oo HCTV ka soo xigtay warkan.

Go’aankan dawlada dalka Tunisia ay ku mamnuucday in lagu xidho Niqaamka goobaha dawlada iyo dadweynahaba ayaa laga baahiyey warbaahinta dawlada, waxaanay arintani ku soo beegmaysaa xili dalkaasi caasimada dalkaasi ee Tunis lala beegsaday laba qarax oo laba qof ay ku dhinteen todoba kalena ay ku dhaawacmeen, 27-kii June.

Qof arkayey is-qarxiyihii ayaa sheegay inuu Niqaam xidhnaa. Hase yeeshee Wasaarada arimaha Gudaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay waxaanay sheegtay in qofkii isqarixiyey oo ismiidaamiyey oo aan wax cadayn ah laga haynin inuu Niqaam xidhnaa iyo in kale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.