Muqdisho: Askari Toogtay Bajaajle Biyo Ku Saydhay Iyo Ruux Kale

Muqdisho (HCTV) – Askari ka mid ah Ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa dhaawacay Laba Ruux oo Biyoole iyo Bajaajle ah.

Askariga Booliska ayaa toogtay Wiil dhallinyaro ah oo watay Bajaaj, kaasi Dad goob-joog ahi sheegeen in Taayirka Bajaajtiisu uu ku saydhiyey Biyo Waddada yaallay, taasi oo Askarigu ka cadhooday.

Askariga ayaa Bajaajta biyaha ku saydhisay ka daba fuulay Bajaaj kale si uu u gaadho, waxaana la sheegay in markii uu gaadhay uu Rasaas ku furay, taasi oo sababtay in Wiilkii Bajaaj laha ahaa dhaawacmo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Rasaastii ka baxday Wiilka Bajaajlaha ahi ay ku dhacday Nin Gaadhi dameer watay, kaasi oo isaguna dhaawacmay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka