Waqooyiga Kuuriya Oo Sii Daysay Arday Ay U Xidhay Arimo Basaasnimo

Pyongyang, (HCTV) – Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa sii daayey Arday u dhashay dalka Australia oo u xidhnaa arimo ku saabsan Basaasid iyo baahinta dacaayado ka dhan ahaa dawladda Waqooyiga Kuuriya.

Wakaalada wararka ee dalka Waqooyiga Kuuriya ee KCNA ayaa sheegtay in Waqooyiga Kuuriya ay mastaafurisay Alek Sigley maalintii khamiistii kadib markii ay u fidisay cafis, inkastoo ay tilmaantay inuu faragalin ku sameeyey arimaha madaxbanaanida dalkaasi.

Ardaygan la xidhay ayay da’diisu tahay 29, kaas u safray dalka Tokyo isagoo sheegay in xaaladiisu ay fiican tahay wax dhibaato ahina aanay soo gaadhin.

Waxaanu wax ka baranayey Jaamacada Pyongyang ka hor intii aan qaraabadiisa iyo saaxiibadii aanay waayin xidhiidhkii dhinaca baraha bulshada ee ay la lahaayeen.

“Waxa uu si qoto dheer ugu lug lahaa falal la xidhiidha basaasnimo isagoo macluumaad ka ururiyey gudaha dalka Waqooyiga Kuurita, iyo in uu si ku celcelis ah uu u dalbanayey cafis, iyo raaligalin uu ka bixinayey inuu faragaliyo arimaha la xidhiidha madaxbanaanida dalka,” ayay intaasi ku dartay wakaalada wararka ee dalka Waqooyiga Kuuriya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.