Uganda Airlines Oo Duulimaadyo Ka Bilaabayso Garoonka Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Diyaaradda Uganda Airlines ayaa duulimaadyo toos ah ka bilaabaysa Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulimaadka Hawada ee Soomaaliya.

Diyaaradda Uganda ayaa bisha dambe horraanteeda duulimaadyo ka bilaabaysa Muqdisho, waxayn qayb ka noqonaysaa Shirkado diyaaradeed oo Sanadihii u dambeeyay Duulimaadyo ka bilaabay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Sida Maamulka Duulimaadyada Hawada Soomaaliya sheegeen waxa la rejaynayaa inay iyaguna dhawaan Garoonka Muqdisho ay duulimaadyo ka bilaabaan Shirkadaha diyaaradaha ee kala ah Al Arabia Airlines, Air Rwanda, South Africa Airways iyo Saudi Airlines.

Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa 1-dii bishan duulimaadyo ka bilowday Magaalada Muqdisho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka