WHO: 1000 Qof baa Ku Dhintay Liibiya Saddexdii Bilood Ee U Dambeeyay

Tripoli (HCTV) – Ugu Badnaa 1000 Qof ayaa lagu dilay Liibiya, tan iyo intii uu Khaliifa Haftar bilaabay hawl-galka saddexda bilood socday ee uu ku doonayo inuu ku qabsado Magaalada Tripoli, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

Tirada Dadka dhintay ayaa lagu dhawaaqay Jimcihii la soo dhaafay, waxaana 1000 Qof ee Geeriyooday ku jira 60 ka mid ahaa Dadkii Muhaajiriinta ahaa ee lagu duqeeyay Goobtii ay ku jireen, Habeenkii Salaasadii ee Toddobaadkii hore.

Ciidammada Liibiya ee Taabacsan General Haftar oo xukuma Bariga Dalka Liibiya ayaa bishii saddexaad ee sannadkan bilaabay dagaallo ay la galeen Ciidammada Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee (GNA), dagaalkaasi oo khasaare badan keenay.

Duqaymaha Diyaaradaha iyo Dagaalka Dhulka ee xilligaa socday ayaa sababay inay Geeriyoodaan 1000 Qof, isagoo dhaawacuna yahay 5000, sida laga soo xigtay WHO, inkasta oo aanay jirin wax kala saaraya inta Ciidan ah Dadkaa iyo inta Rayid ah.

Sidoo kale, Dagaalkan ayaa Dad gaadhaya 100.000 qof ku khasbay inay Guryahooda ka qaxaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka