Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweyn Ka Diiran Ka Faa’iiday Dhawaaqii Soomaaliya Ee Gini

Hargeysa  (HCTV) – Waxa Madaarka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal lagu soo dhaweeyay Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo Maanta dib uga soo laabtay Safar ay ku tageen Dalka Gini.

Madaxweynaha oo ay Wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Ergayga Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxa Madaarka Hargeysa kaga hor-tagay boqollaal Ruux oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan Hargeysa, kuwaasi oo Madaxweynaha iyo Weftigiisa soo dhaweeyay.

Soo Dhaweyntan oo Xamaasad wadata ayaa waxa ka qayb-qaatay Masuuliyiinta Laamaha Dawladda, waxaana subaxdii hore ee Saaka Barxadda hore ee Madaarka buux-dhaafiyey Dadweyne ku lebisan calanka Somaliland, iyadoo dabcan Waddooyinka Magaalada qaarkood lagu dhejiyey Sawirrada Madaxweyneyaasha Gini iyo Somaliland.

Soo dhaweyntan Xamaasadda ah ee Dadweynaha reer Somaliland ku qaabileen ayaa timid markii Dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ilaaqaadka u goysay Dawladda Gini, maaddaama oo ay Marti-qaadday isla-markaana meeqaam sare ku soo dhaweysay Weftiga Madaxweynaha Somaliland.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa tan iyo intii Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay Gini quluubta ka midoobay, midnimadaasi oo keentay inaan Maanta loo kala hadhin soo dhaweynta Madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa.

Waxa Xusid Mudan in Madaxweynaha soo dhaweyntiisa ay ka qayb-qaateen Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland, sda WADDANI iyo UCID.

La Soco Hadalkan Madaxweynaha Goor dhow

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka