Amiirka Qatar Oo Madaxweynaha Maraykanka La Kulmaya 9-ka July

Dubai, (HCTV) – Amiirka xukuma dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump  kula kulmi doona Washington 9-ka bishan July, kuwaas oo isweydaarsan doona arimihii ugu dambeeyey ee ka soo cusboonaaday gobolka iyo caalamkaba, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Qatar.

Aqalka cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo ayaa isaguna bishii June sheegay in booqashadu ay la xidhiidho xidhiidhka dhaqaalaha iyo amaanka iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada.

Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta, , Bahrain iyo Masar ayaa xidhiidhka u jaray Qatar 2017, kaas oo noqday khilaafkii ugu xumaa ee gobolka ka dhaca sanado. Waxaanay ku eedeeyeen Doxa inay taageerto Kooxaha Muslimka ah iyo Iran, iyaduna way diiday eedahaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.