Qarax Ka Dhacay Isgoyska Digfeer Ee Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa ayaa goor-dhaweyd ku qarxay agagarka Cusbitaalka Digfeer ee magalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho.

Gaadhiga qarxay ayaa la sheegay in ciidamada bileysku ay ka war haleen intii aanu qarxin, waxaanu gaadhigani isku dayey intii aanu qarxin inuu jiidho wado hore loogu gooyey ciid, taas oo keentay inuu mari kari waayo halkaana uu ku qaraxay.

Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in gaadhi ka mid ah kuwa ciidamada Bileyska oo gaadhiga halkii uu mari ka wari waayey ku gaadhay ay ku amreen ninkii waday inuu gaadhiga ka soo dago balse uu ka dhago adaygay sidaana uu isku qarxiyey.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in arkayeen dhowr qof oo ku dhawacantay qaraxa, hase yeeshee wali lama soo sheegin wax dhimasho ah oo qaraxaasi sababay.

Wixii faahfaaahin ee dheeraad ah kala soco baraha bulshada ee Telefishanka HCTV oo aanu idiinku soo gudbin doono.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.