Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay Inaan Weli La Kala Dhex-gelin Beelo Ku Dagaalamaya Ceel Af-weyn

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay Dagaal laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex maray Deegaan ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye Saleebaan wuxuu sheegay in Maleeshiyaadka labada Beelood oo Shalay dagaalkoodu qarxay uu weli socdo Dagaalku, illaa haddana aanay jirin Cid kala dhex gashay.

Guddoomiye Saleebaan oo Maanta Shir-guddoominayey Fadhigii Golaha Guurtida ee Maanta ayaa isaga oo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Wax war ah oo aan ahayn Shilkaa weyn ee Ceel Af-weyn ka dhacay ma hayno, Warkaynu haynaa waa waxa weeyaan Dagaalku wuu socdaa, mar haddii aanay Cidna kala dhex gelin, habeenka ayuun baa ka dumay ee dagaalku wuu socdaa, inta dhimatay muhiim maaha, waxa muhiim ah waar inta nool maxaynu ka helaynaa.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Guddiga Nabadgalyada Qaranku ay dagaalkaasi ka shirayaan Maanta “Guddigii Nabadgalyadu hadda waa fadhidaa baa la yidhi, Madaxweynahana way sugayaan, Aniguna waan ku biirayaa, wixii ka soo baxa ayaynu wax ku qabsanaa. Ilaahay ha inaga qaboojiyo Nimankani caqli ay isku daayaan ma hayaane..”ayuu yidhi.

Dagaalkan oo aan illaa hadda rasmi ahaan loo ogayn waxa uu ka dhashay, ayaa waxa la sheegay inuu sababay Geerida illaa 11 Qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac ku dhow 30.

Maaha markii koowaad ee labada Beelood halkaa ku dagaalamaan, balse Dagaalkooda ayaa soo noqnoqday, wallow dhowr jeer heshiis la kala dhex dhigay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka