Brazil Oo Markii 9-aad Ku Guulaystay Copa America

Brazil (HCTV) – Kooxda Brazil ayaa difaacatay Koobka Amerika, waxayna 3-1 ku garaacday Xulka Qaranka Peru oo haddii uu badin lahaa ay noqon lahayd markii koowaad ee uu qaado Koobka Kubadda Cagta ee Copa America.

Everton ayaa kooxda Brazil ku hagay Dariiqa Guusha, markii uu dhaliyey Gool, waxaanu ka shaqeeyay mid kale oo Brazil u suurto-galiyey inay Copa América hanato markeedii 9-aad.

Ciyaaryahannada Gabriel Jesus iyo Richarlison ayaa iyaguna si wada jir ah Xulkooda ugu saxeexay hal Gool.

Xidiggooda Neymar oo dhaawac hore u soo gaadhay darteed aan u ciyaarayn ciyaartan kama dambaysta ah ayaa garab fadhiyey Madaxweynaha Dalka Jair Bolsonaro, kaasi oo ka mid ahaa Dad ku dhow 70,000 kun oo soo camiray Garoonka Maracanã Stadium.

Brazil ayaa ku ciyaaraysay 10 Ciyaaryahan, sababtoo ah Jesus ayaa ciyaarta laga saaray markii loo taagay kaadhka Huruudda ah markii labaad.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka