Maqaal: Dagaalka Villa Soomaaliya Kuma Koobna ‘War-Murtiyeed’ Ee Waa Mid Qorshaysan

Dagaalka Diblomaasiyadeed ee ay xukuumadda Soomaaliya ku qaaday Somaliland waa mid muddo soo jiitamayay. Waxa ay xoog iyo xeeladba isugu geeyeen in ay soo gabogabeeyaan xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland la leedahay guud ahaan dawladaha adduunka, gaar ahaanna, kuwa Afrika.

Xeeladaha ay isticmaalaan waxa ka mid ah WARBAAHINTA; Shirarka caalamiga ah iyo Safaaradaha oo ay waraaqo u qaybiyaan. Tusaalihii u danbeeyay, mareegta https://mediaguinee.org/ waxa lagu baahiyay faallo, aragti ama maqaal aan xaqiiqada ka turjumayn oo ku saabsan soo dhawaynta uu Madaxweynaha Guinea, Alpha Condé, u sameeyay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Marka aad si qoto-dheer u dhugato faalladan oo Af-faransiis ku qoran, waxa loogu talogalay in lagu kala dilo Madaxweynaha Guinea iyo shacabkiisa, iyada oo dhinaca khaldan laga eegay qaddiyadda Somaliland iyo go’aanka Alpha Condé. Sidoo kalena, lagu hoga-tusaaleeyo dalalka kale ee ku hawlan in ay tallaabadan oo kale qaadaan.

Waxyabaha ku qoran faallada waxa ka mid ah – wax uu qoraagu ku tilmaamay – khatarta ka dhalan karta kulanka iyo soo dhawaynta Alpha Conde uu u sameeyay Madaweyne Biixi iyo dhiirigelinta uu kulankaasi ku samayn karo in dalal kale oo Afrikan ah ay kala go’aan.

Waxa kale oo lagu sheegay maqaalka in xuduudaha Somaliland aanay ahayn qaar sugan, sidoo kalena, madax-bannaanida Somaliland aanay ku midaysanayn qaabaa’ilka wada-dega.

Sidaas daraadeed, waxa loo baahan yahay in laga fekero sidii warbaahinta caalamka ee afafka kala duwan ku hadasha looga faa’iidaysan lahaa, iyada oo loo diyaarinaayo qorshayaal iyo dhaqaale. Keliya maaha in aynu BBC Somali ku mashquulno, laakiin, waa in la monitor-gareeyo dhammaan warbaahinta kale ee caalamka, dabadeedna la diyaariyo qorshe lagaga hortagayo (counter-strategy).

Link-gan hoose waa faallada aan ka hadlayo.

https://mediaguinee.org/affaire-somaliland-alpha-conde-place-la-guinee-dans-une-position-inconfortable/?fbclid=IwAR3a2yw4LVRf8MzraG42mbKKcaj8_lLs7z4lHRUDpAYTwxE5sGbJw3ENtIs

Mustafe Adam