Xukuumadda Oo Isha Ku Haysa Dadka Yidhaahda ‘Somaliland Lama Wada-laha’

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa digniin hawada u marisay Dad ay sheegtay inay had iyo jeer ku celceliyaan Kalmado ay ka mid tahay ‘Inaan Somaliland la wada lahayn’.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Md. Saleebaan Cali Koore oo Maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Rag badan baa Maalin dhawayd halkan ka hadlay oo lahaa ‘Qaranka lama wadalaha, kuwaasi oo soo tuuryo dhamaystay, waxaan qabaa in hadallada qaarkood aanay Qarankan dhexdiisa ku habboonayn, Ummad badana way ka xishoonayaan oo wejiga ayay hoos uga rogaynaysaa, laakiim lama awoodi waayin in la hadli waayo iyo in wax laga sheego iyo in Qofka loo sheego waxa uu xaq u leeyahay, laakiin sababo badan darteed Dad badan baa la ixtiraamaa oo hadallo aan laga fiirsan meelo ka yidhaahda.”

Wasiirku wuxuu sheegay in la dhegaysan karo Dadka soo jeediya hadallada ka qayb-qaadanaya Dhismaha dalka, balse aan loo dul-qaadan doonin kuwa adeegsada Kalmadaha ay ka midka yihiin ‘Somaliland lama wada laha’.

“Waalla ogol yahay in la yidhaahdo halkaa laban baa ka dhiman (dhagax), laakiin Ninka inta uu Hargeysa isa soo dhex taago leh ‘Waxba lama wada leh’  Macnaheedu waxa weeayaan ‘Anigu kuma fadhiyo’..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qarankan waa la wada leeyahay, laga soo bilaabo Saylac illaa Ceelaayo, Cid cid kale ka lihi ma jirto, Cid Cid kale u daba fadhidaana ma jirto.”

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu sheegay “Qofkii yidhaahda wax hala wanaajiyo iyo wax hala dhamaystiro waalla dhegaysanayaa, laakiin Dad badan baa jecel inay waxaan jirin sheegaan, Dadkaa waxaan jecelahay inaan u sheego inaanu ognahay, inta xukuumaddu kaga maqan tahayna ay Ixtiraam tahay, haddayse ka  joogi waayaan way taabanayaan..”ayuu yidhi.

Ma Cadda Shaqsiyaadka uu Wasiirku u duur-xalayo, balse Bilihii u dambeeyay waxa Magaalooyinka dalka Doodo ujeeddooyin kala duwan leh ku qabanayey Siyaasiyiinta Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galaydh, kuwaasi oo Dooddahooda ay ka hadhaysay kalmadda ah ‘Somaliland lama wada laha’.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka