Saldhigga Caalamiga Ah Ee Hawada Sare Oo Markii Koowaad Cunto Xalaal Ah Laga Helayo

USA (HCTV) – Waxa Markii ugu horraysay Cunto Xalaal ah oo Dadka Muslimka ahi cuni karaan la geynayaa Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare, sida ay sheegtay Warbaahinta Sputnik.

Hazza Al Mansoori oo ah u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hore u sii qaadan doona Cuntooyin Xalaal ah oo Qasaacadaysan, maaddaama oo uu ku qoran yahay Cir-bixiyeennada Hawada sare tagaya 25-ka bisha September ee sannadkan.

Cuntooyinka uu sii qaadan doono waxa ka mid ah balaleet, sweet vermicelli, sida ay sheegtay Shirkad Ruush ah oo Takhasuskeedu yahay soo saaridda Cuntooyinka Dadka Hawada sare u raaca dayax-gacmeeddada.

Cir-bixiyeenkan Muslimka ah iyo labadiisa Saaxiib ee ku wada qoran Socdaalka Hawada sare ee 61-aad, ayaa inta ay halkaa joogaan waxay mashquul ku ahaan doonaan sida Meeraha Dhulku u shaqeeyo, iyagoo adeegsanaya Khibraddooda, lana soo xidhiidhaya Dadka jooga Xarumahooda Dhulka, lana Wadaagaya Xog iyo Dhukumantiyo iyo Xogo Biyooloojikal ah oo la xidhiidha Nolosha Cir-bixiyeennada ku sugan Xarunta Caalamiga ah ee Hawada sare.

Al Mansoori oo 31 jir ah ayaa duulimaadka hawada sare waxa ku wehelinaya Oleg Skripochka oo Ruushka u dhashay iyo Jessica Meir oo Maraykan ah.

Hawl-galkan ayaa waxa laga daah-furayaa Xaruntii ugu horraysay, uguna weynayd ee Dayax-gacmeedyadu ka duulaan oo ku taalla Dalka Muslimka ah ee Kazakhstan.

Hawl-galkan waxa ku jira Sultan Niyadi oo ka mid ah Xarunta (MBRSC), ahna Farsamo-yaqaan dhanka Isgaadhsiinta ah.

Ka hor, inta aan la qorshayn in hawada sare loo diro Cir-bixiyeennada Muslimka ah, waxa jiray Shir uu Marti-gelisay Dawladda Malaysia, kaasi oo lagu marti-qaaday Saynisyahannada iyo Culimada Muslimiinta.

Shirkaasi oo ay ka qayb-galeen 150 Saynisyahanno iyo Culimada Diinta Islaamka, ayaa lagaga hadlay Qiblada ay Islaamka u tukadaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka