Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Somalia

Garoowe, (HCTV) – Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta socdaal ku tagay magaalada Garoowe.

Socdaalkan uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia uu ku tagay maamul goboleedka puntland ayaa ujeedadiisu ay ahayd kulan isbarasho oo uu la yeeshay Madaxweynaha Puntalnd iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada.

Waxaana Kulankaasi lagaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaana Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.