14 Arrimood Oo Aad Qoomayso 50 Jirkaaga

Hargeysa (HCTV) – Marka la da’yar yahay waxa la sameeyaa kala doorashooyin innaga oo aan Maanka ku haynin Mustaqbalka, marmar qaarkoodna Doorashooyinka aad samaysaa waxay khatar ku noqdaan Noloshaad.

Sidaa Darteed, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 14 Shay oo aad iska qoomamayso markay Da’daadu gaadho 50 Jir, waxaana arrintan qoray Wargeyska The standard oo HCTV soo xigtay.

  1. Inaad Guursato Qof aan kaagii ahayn (Wrong Person).

Marka aad da’yar tahay, Hubi sababta aad u guursanayso, ha u guursan Hebelba wuu guursaday ama culays Dadku kugu saareen inaad guursato, u guurso Jacayl iyo inaad nolosha Wadaagtaan, guurso Qofka kuu qalma ama kugu habboon, Guurso Saaxiibbaddaada ugu wanaagsan. Haddiiba aad guursato Qof aan kuu Qalmin ama sababo khaldan aad u guursato, Qofkaa waxaad ku wareejisay noloshaadii oo dhan. Waxyaabaha laga yaabo inaad la kulanto waxa ka md ah, dhibaato jidheedh, Wer-wer, Xanuun, Khajilaad, Arrinkiina oo Maxkamadda ka bixi waaya, laakiin Arrimahan waxay ugu daran yihiin marka Carruur jirto, sidaasi darteed doorasho wanaagsan same intaad yar tahay.

  1. Fursadaha ku soo mara ee aanad Ka faa’iidaysan

Markaad yar tahay Albaabbo badan ayaa kuu furmi doona, waxaad heli doontaa fursado badan, Dad badan oo dhallinyaro ah  ayaa fursadahan uga tagay oo uga faa’idaysan waayay Cabsi, Caajis iyo isla weyni, laakiin markaad da’yar tahay ee aad xoogga leedahay waa marka ugu wanaagsan ee Tallaabo qaadi karto ee Magac yeelan karto.

Dadka qaar waxay (Xilligaa) qabaan in fursaduhu ka waaweyn yihiin ama ku culus yihiin, sidaa darteed fursadaha ku soo mara ka faa’idayso ama Maalin Adiga oo weynaaday ayaad u baahan doontaa in fursadihii ku dhaafay dib laguugu soo celiyo.

  1. Biriijka Nolosha si Xun Ha Uga Gudbin

Markaynu da’yar nahay, waxaynu daryeellaa xidhiidhada, waxa ugu badan ee aynu ka fikirnaana waa sidii aynu Lacag ku heli lahayn, korna ugu sii socon lahayn Jaran-jarooyinka guusha wax kasta oo ay ku kacayso. qaar badan taa waxay u adeegsadaan inay dadka ku Hadidadaan si ay u horumaraan, waxay joogteeyaan ilaaqaadka (ay Dadka la leeyihiin sida dumarka), laakiin Ficilladaa xumi waxay xanibayaan inaad kor u socoto, markaana waxaad xaqiiqsan doontaa sida aanay nolosha Macno lahayn Jacayl iyo Saaxiibtinimo la’aan.

La Soco…………….

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka