Kooxda Al-shabaab Oo Lix Maalmood Gudahood Fagaare Ku Dishay 18 Qof

Soomaaliya (HCTV) – Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa Qudha ka jaray 18 Qof illaa Maalintii Arbacadii ee Toddobaadkii hore, xilli ay culays ku hayaan duqaymaha Diyaaradaha Maraykanku.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee Al-shabaab qaaddo muddo intaa leeg, iyadoo aan hore loo ogayn Tirada Dadka ay Fagaareyaasha ku dilaan.

Mitidiinta Al-shabaab ayaa Fagaare ku yaalla Degmada Jamaame ee Koonfurta Soomaaliya ku dilay Afar Qof Axaddii, ka dib Xukun deg-degga ah oo ay soo saartay Maxkamadda Al-sabaab, kaasi oo ahaa inay qabaan dambiga loo haysto.

Fagaare ayaa lagu toogtay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka mid yihiin Ciidammada Xoogga ee Soomaaliya iyo Haweenay lagu eedeeyay inay Kenya Basaas u ahayd, Al-shabaab waxay sheegeen in Gabadha ay Basaasnimada ku eedeeyeen ahayd 20-jir, Magaceeduna ahaa Iqra Abdi Aden.

Intaasi ka dib, waxa Dhagax lagu dilay Nuur Bakar Jitow oo 18 Jir ah, waxaana lagu eedeeyay inuu kufsaday Gabadh 16 jir ah. Xaakimka Maxkamadda Al-shabaab ayaa Ninka ku xukumay in dhagax lagu dilo, ka dib markii uu sheegay inuu hore u soo guursaday Ninka Kufsiga lagu eedeeyay.

Sabtidii Toddobaadkan, Al-shabaab waxay  Fagaare ku toogatay Saddex Nin oo lagu eedeeyay inay Ciidammada Dawladda Soomaaliya ka mid ahaayeen, waxaana dilkaasi ka dhacay degmooyinka Kuntu-waaray oo Shabeelaha hoose iyo Bu’aale oo ka mid ah Gobolka Jubbada dhexe, waxa kale oo Al-shabaab halkaa ku dileen Nin ay ku eedeeyeen inuu Sixir ku shaqaysanayey.

3 illaa 4-tii bishan July, waxa Al-shabaab toogasho ku dileen 10 Nin, kuwaasi oo ay dilkooda ku kala fuliyeen Magaalooyinka Hagar iyo Salagle ee Koonfurta Soomaaliya.

Al-shabaab waxay 10-kaa Nin ku eedaysay inay Basaasiin u ahaayeen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Dhammaan Dhibanayaashaa waxa la soo taagay Maxkamadda Al-shabaab, sida ay sheegeen Warbaahinta taageerta Al-shabaab.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka