“7 Ilmood Ayaan Iska Soo Ridey, Oohintooda Ayaan Maqlaa Markaan Seexdo”

Nairobi (HCTV) – Martha Anne Bwore oo ka mid ah Weriyeyaasha Kenya ayaa soo bandhigtay dhibaatada ay la kulmaan Hablaha Da’da yar ee Uur qaada, iyagoon lahayn Aqoon Waaalidnimo oo ay ku xallin karaan dhibaatooyinka la soo dersa qaarkood.

Martha Anne Bwore ayaa Waraysi la yeelatay Jael Musumba, waxayna Jael ka warrantay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulantay Markii Caloosheeda uu Ilmuhu ku abuurmay, waxayna sheegtay inay iska soo ridday illaa 7 Carruur ah oo u Calool galay.

Laakiin, dhibaatooyinka haweenka Ugubka ahi la kulmaan ka sakow, waxay Haweenayda la waraystay sheegtay arrin layaab leh, waxayna sheegtay in Marka ay Seexato ay Maqasho Oohinta Carruurtii ay iska soo ridday, arrimahaasi ay Maskaxdeeda ku shidaan wer-wer “7 ilmood ayaan iska soo ridey..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Oohintooda ayaan Maqlaa markaan seexdo”

Haweenaydan waxay sheegtay in Ficillada ay Ilmaha iskaga soo ridday ay ku kacday xilli ay Waxbarasho u joogtay Dalka Hindiya, hase-ahaatee ay arrintaa ka dhaxashay isku buuq maskaxeed iyo wer-wer.

Haweenaydan ayaa ka qoomamaynaysa Ficilladaa ilmo iska soo ridka ah ee ay muddada wadday, waxayna hadda door ku leedahay dedaallada lagula dagaalamayo in Habluhu Carruurta iska soo ridaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka