Ethiopia Oo 50 Kun Oo Shaqaale Ah U Diraysa Imaaraadka Carabta

Addis Ababa, (HCTV) – Dalka Ethiopia ayaa sheegay in dalkiisu uu u diri doono 50,000 shaqaale ah dalka Imaaraadka Carabta,  Sida uu ku dhawaaqay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia.

Dalkan ku yaala gacanka Carabta ayaa doonaya xiligan inuu balaadhiyo saamaynta uu ku geeleeyahay Geeska Afrika.

“Ethiopia waxa ay qarshaynaysaa in xiliga dhaw ay yarayso shaqo la’aanta ka jirta dalka iyada oo ay soo kordhayaan dadkayaga shaqo doonta ahi, ayuu Abiy Axmed uu ka sheegay Baarlamaanka dalkaasi.

Waxaanu intaasi ku daray “waxa ka mid ah barnaamijyada qorshaha dhaw ahi ay ka mid yihiin in aanu shaqaale xirfad leh aanu u dirno dalalka dibada,” ayuu intaasi raaciyey Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa carabka ku dhuftay in shaqaalahan 50 kun gaadhaya ee ay u dirayaan dalka Imaaraadka Carabta ay tahay heshiis ay wada gaadheen labada dal kaas oo ahaa in dalkaasi loo diro saddexda sano ee soo socda 200,000 shaqaale ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.