Shiinaha Oo Maraykanka Ugu Baaqay Inuu Joojiyo Hubka $2.2bn Jooga Ee Uu Ka Iibinayo Taiwan

Beijing, (HCTV) – Dalka Shiinaha ayaa Maraykanka ka dalbaday inuu si dhakhso ah u joojiyo hubka qiimihiisu dhan yahay $2.2bn ee uu ka iibinayo Taiwan, kuwaas oo ay ku jiraan Kaarayaasha Dagaalka, iyo Gantaalada lidka diyaaradaha

Talaabadan ayaa ah tii ugu horaysay ee dalka Maraykanku uu hub intaa leeg uu kaga iibiyo dalkan mudo tobanaan sanadood ah, waxaanay ku soo beegmaysaa xili ay ka sii darayso xiisada u dhaxaysa dalalka Shiinaha iyo Maraykanka oo labada dale e ugu dhaqaalaha weyn aduunka oo uu dhexmarayo dagaal xun oo ku saabsan dhinaca ganacsiga.

Waxaanay arintani ay dab ku sii shidi doontaa Shiinaha oo Taiwan u arka gobol inuu ka go’o doonaya.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha dibada shiina oo la yidhaa Geng Shuang oo maanta warfidiyeenada kula hadlay magaalada Beijing ayaa sheegay in arintaasi hubka uu Maraykanku kaga iibinayo Taiwan ay cabasho xoogle ka qabaan isla markaana ay arintaasi usoo gudbinayaan habn diblomaasiyadeed.

Mr Shuang ayaa sidoo kale heshiiskaasi Maraykanku hubka kaga iibinayo Taiwan ku tilmaamay talaabo faragalin ku ah arimaha gudaha ee dalkiisa iyo inay dhaawacayso madaxbanaanida dalka Shiinaha iyo danaha dhinaca amaanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.