Amiirka Qatar Oo Madaxweyne Trump Kula Kulmay Washington

Washington, (HCTV) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kula kulmay magaalada Washington, DC, kuwaas oo la sheegay inay ka wadahadleen amniga gacanka Carabta, xidhiidhka dhaqaale ee labada dal ka dhexeeya iyo arimo kale.

Amiirka Qatar ayaa booqashadan uu maanta ku tagay dalka Maraykanka waxa ay ku soo beegmaysaa xili ay xiisadi u dhaxayso Iran iyo Maraykanka iyo xili ay taagan tahay xayiraadii dalalka carabtu ay ku soo rogeen dalka Qatar.

Kulankan ayaa sidoo kale day maalin ka dib markii Amiirku uu wadahadal uu la yeeshay siihayaha xoghayaha difaaca Maraykanka Mark Esper oo ay ku kulmeen xarunta gaashaandhiga ee Pentagon-ka, oo casho loogu sameeyey halkaasi ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Xoghayaha Maaliyada Steven Mnuchin, iyo Madaxweyne Trump oo laftigiisu uu joogay halkaasi.

Hadal uu ka jeediyey Cashadaasi ayuu amiirka Qatar uu sheegay in booqashadiisan Maraykanka ay labada dal arimo badan ay isku waydaarsadeen iyo iyagoo u dabaaldegaya xidhiidhkooda dhaqaale ee qaangaadhka ah.

“Qatar iyo Maraykanku waa saaxiib iyo gaashaanbuur. Waxa aanu sii wadaynaa inaanu sii adkayno oo sii joogtayno xidhiidhada labada dhinac ee Milatariga iyo Amaanka ku saabsan.” Ayuu yidhi Amiirka dalka Qatar.

Hase yeeshee waxa jira qorshayaal dalka Maraykanku uu ku doonayo inuu diyaaradaha dagaalka iyo hub kale uu ka iibiyo dalka Qatar, waxaana arimahani ay ku soo beegmayaan xili xiisad xumi ay u dhaxayso maraykanka iyo Iran , halka Qatar laftigeeda culays weyni uu ka haysto saaxiibadeeda xidhiidhka u jaray oo cir iyo dhulba xayiraad ka saaray dalka Qatar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.