Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Dhexdhexaadin Ka Bilaabay Khilaafka Somalia Iyo Kenya

Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa wakiilo u kala diray dalalka Kenya iyo Somalia si ay xal ugu helaan khilaafka xadka badda ee u dhexeeya kaas oo uga sii daray xidhiidhka diblomaasiyadeed ee liita ee labada dale e ku yaala Geeska Afrika.

Waxaana ay sheegayaan saraakiil ku kala sugan Nairobi iyo Mogadisho in Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu sheegay  gudoomiyaha urur goboleedka IGAD iyo wakiilada dhinaca Amaanka ee Gobolku ay mudeeyeen in todobaadkan ay kulmaan Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Mohammed Farmajo 13-ka bishan July.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka labada masuul ayaa ilaa hadda u baahan in aad loo xaqiijiyo.

Warkan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalintii shalay ay soo baxeen warar kutiri ku teen ah oo sheegayey in khilaafkii meesha la isku hayo laga saaro maxkamada Cadaalada Aduunka oo iyadu kiiskaasi mudo dheer gacanta ku haysay, isla markaana dhagaysigiisa u mudaysay 9-ka bisha September.

Hase yeeshee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa arintaasi beeniyey waxaanu sheegay in halkii ay dawlada Federalka ee Somalia ay ka taagnayd kiiska yaala maxkamada Cadaalada aduunka aanay waxba iska badalin.

Waxaanu intaasi ku daray in xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud uu baadhayo meeshii ay ka yimaadeen wararkaasi borobogaandhaha ah ee aan sal iyo raad toona lahayn, sida uu sheegay Abdinur Maxamed Axmed oo warbaahinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.