Safiirkii Ingiriiska U Fadhiyey Maraykanka Oo Iscasilay

London, (HCTV) – Safiirkii dawlada Ingiriiska u fadhiyey dalka Maraykanka Sir Kim Darroch ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii khilaaf uu ka dhashay emailo khatar ku ah maamulka Madaxweyne Trump oo loo dusiyey  qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isagu kadib markii emailadaasi la dusiyey waxa uu ku tilmaamay safiirka Ingiriiska ee dalka Maraykanka “nin aan maskax badnayn”.

Hase yeeshee Afiiska arimaha dibada ee dalka UK ayaa Sir Kim ku amaanay xirfadiisa iyo aqoontiisa diblomaasiyadeed.

Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Maraykanka Sir Kim ayaa sheegay in uu doonayo inuu soo afjaro wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in emailo la dusiyey, taas oo uu tilmaamay in arintaa awgeed aanu shaqada u sii wadi karayn.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.