Dagaal Iyo Dibed-baxyo Ka Dhacay Gobolka Sanaag & Xaaladda Oo Kacsan

Ceerigaabo, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxda Col. Caarre uu haatan ka socdo deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Kooxdan Colonial Caare ayay wararku sheegayaan inay doonayeen inay galaan Buurta Daalo oo halkaasi ay ka samaystaan saldhigyo iyo dhufayso.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay iskaga horyimaadeen ciidamada Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Col Caarre.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in  Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

 

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.