Akhri: Masuul Xisbiga WADDANI Ka Xidhnaa 71 Maalmood Oo La Soo Daayey

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga ka sii daysey Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDAN, Maxamed Sidiiq Dhamme, kaasi oo 71 Maalmood xidhnaa.

Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa Dawladdu xidhay ka dib, markii uu Facebook ku baahiyey hadallo uu ku dhaliilay Xaalad deg-deg ah oo Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag, waxaana laga xidhay Gurigiisa oo ku yaalla Hargeysa.

Mr. Dhamme oo markii Xabsiga laga soo daayey la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi “71 Maalmood ka dib, waxaan Maanta helay Xorriyaddaydii aasaasiga ahayd ee markii horena xaq-darrada la igaga qaaday iyo Xadhiggaygii Qafaalashada ahaa oo runtii aan waafaqsanayn Sharciga.”

Maxamed Sidiiq Dhamme waxa kale oo uu sheegay “Waxaan u Mahad-naqayaa Xisbi-weynaha WADDANI, waxaanan ku soo baxay dedaalkii ay muujiyeen Hoggaanka Xisbiga.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xukuumadda Kulmiye waxaan leeyahay Xadhiggiina waanu u adkaysanaynaa ee idinkuna xamil u yeesha inaanu dhaliilihiina soo bandhigno.”

Masuulkan Xabsiga ka soo baxay wuxuu sheegay in xukunkiisa loo adeegsaday Xeer soo baxay 1962-kii “Xeerka la igu xukumay ee la i daba waday wuxuu ahaa xeerka Ciqaabta guud oo 1962-kii soo baxay, Nolosha Casriga ah lama jaan-qaadayo..”ayuu yidhi.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka