Haweenayda Maamusha Jarmalka Oo Markii Saddexaad La Kulantay Dhacdo Layaab Leh

German (HCTV) – Waxa Markii saddexaad Kamaradaha Adduunka ka soo muuqatay Rayal-wasaaraha Dalka Jarmalka oo iyadoo taagan Jidhkeedu ruxmayo, sida Qof Kurbanaya.

Kamaradaha Warbaahinta ayaa qabtay Angela Merkel oo Jidhkeedu wada dubaaxinayo, xilli iyada iyo Raysal-wasaaraha Finland oo booqasho ku tagay Berlin ay si wada jir ah Salaan uga qaadanayeen Ciidammada, Arbacada Maanta.

Waa Markii saddexaad ay muddo bil gudaheed ah sidan oo kale iyadoo taagan uu jidhkeedu Gariir sameeyo, taasi oo shaki gelinaysa Xaaladdeeda Caafimaad Raysal-wasaaraha Dalka Jarmalka.

Angela Merkel oo da’deedu tahay 64 Jir ayaa Markii koowaad ee jidhkeedu Ruxankan oo kale sameeyo Warbaahintu waydiisay Xaaladdeeda Caafimaad, waxay sheegtay inay fiican tahay, wax werwer ahina aanu jirin.

Ruxanka Taxanaha noqday ee ku imanaya jidhka Raysal-wasaaraha ayaan waxba Caafimaadkeeda dul ahaaneed ku keenin, sida uu sheegay Wargeyska daily Mail oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Merkel ayaa hore u sheegtay inay siyaasadda ka fadhiisanayso marka ay dhamaysato muddo xileedkeeda oo ku eg Sannadka 2021.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka