Haweenka Tanzania Oo Lagu Dhiirigeliyey Inay Ubad Badan Dhalaan

Dar es Salaam (HCTV) – Madaxweynaha Tanzania John Maguful ayaa Haweenka dalkiisa kula taliyey inay dhalaan Ubad badan, si buu yidhi uu kor ugu kaco Dhaqaaluhu.

Madaxweynuhu wuxuu Haweenka Dalkiisa ku dhiirigeliyey inay dhalaan Ubad badan, si buu yidhi taasi Gobolka uga Caawiso in dhaqaaluhu kor u kaco, meeshana ay uga baxdo Saboolnimada iyo Sinaan la’aantu.

“Markaad leedahay Bulsho tiro ahaan Badan, waxaad dhisaysaa Dhaqaale, taasi waa sababta Dhaqaalaha Shiinuhu uu u culus yahay..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Tanzania oo sidoo kale Tusaale u soo qaatay Doorka Tirada Dadka Dalalka Hindiya iyo  Nigeria ka qaateen dhaqaalaha Dalalkooda.

Madaxweynuhu hadalka ka sheegay Fagaare Dad badan isugu yimaaddeen oo ku yaalla Magaaladiisa Chato.

lllaa Sanadkii 2015-kii oo uu Madaxweyne Magufuli uu xilka la wareegay wuxuu waday ololaha Warshadaynta oo gacan ka geysanaya koboca Dhaqaalaha, taasina waxay keenyay in dhaqaalaha dalku uu kor u kaco inta u dhaxaysa 6-7% sannad walba, laakiin wuxuu dedaalkiisa ku kordhiyey soo jeedinta ah in Dhasha oo badataa ay keenayso koriin dhaqaale oo deg-deg ah.

Tanzania oo ku taalla bariga Afrika ayaa Dadkeedu waxay ka kooban yihiin 55 Million, horena waxay uga mid ahayd Dalalka dumarkoodu ugu dhalmada badan yihiin, waxaana Hooyo kastaa haysataa 5 Carruur ah.

War-bixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ayaa sheegtay in celcelis ahaan sannad kasta Dadka Tanzania kordhayaan 2.7%.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka