Sawir Guud: Rabshadihii Maanta Ka Dhacay Burco Iyo Ceerigaabo

Ceerigaabo (HCTV) – Gelinkii hore ee Maanta iyo Gelinkii dambe ee isla Maanta waxa Mudaharaaddo ka dhaceen Magaalooyinka Ceerigaabo ee Xarunta ee Gobolka Sanaag iyo Burco oo Xarunta Gobolka Togdheer ah.

Ceerigaabo:

Mudaharaadka ka dhacay Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa bilaabay Dad ujeeddadooda lagu sheegay inay doonayeen Taageero u muujiyaan Jabhadda Kornayl Caarre oo ay Maanta dagaal Ciidammada Qaranka ku dhex maray deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45KM bariga ka xiga Magaalada Ceerigaabo.

Mudaharaadeyaasha oo dhaqdhaqaaqooqa rabshado ku lamaanaayeen ayaa waxay isku dhaceen Ciidammada Booliska ee Magaalada Ceerigaabo, kuwaasi oo doonayey inay kala dareeriyaan, balse Ashkhaas ka mid ah Mudaharaadayaasha ayaa la sheegay inay Ciidammada kala hor tageen Hub, taasi oo arrinta sii cakirtay, keentayna in rasaas dhacaysa laga maqlo gudaha Magaalada Ceerigaabo.

Hase-ahaatee, Wararkii u dambeeyay ee Telefiishanka HCTV ka soo gaadhaya Magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in Ciidammada Amnigu xakameeyeen Rabshadahaasi isla-markaana Xaaladdu hadda deggan tahay.

Burco:

 Magaalada Burco ee Xarunta ee Gobolka Togdheer ayaa waxa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay dibed-bax ku xidhiidhsan ka Saaka ka dhacay Magaalada Ceerigaabo.

Weriyeyaasha ku sugan Magaaladaasi ayaa soo sheegay in dhallinyaro aan tiro ahaan badnayn ay taayiro ku gubeen Jidadka Burco qaarkood, balse Ciidammada Booliska oo rasaas nool kor ugu riday dhallinyaradaasi ayaa keentay in Mudaharadayaashu bataan isla-markaana ay Ciidammada wakhti ku qaadato inay kala dareeriyaan.

lama sheegin, wax khasaare ah oo ka dhashay Rabshadaha ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, maaddaama oo aanay weli Dawladdu wax war ah ka soo saarin Arrintan.

 

 Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka