Ciidammada Badda Ee IRAN Oo Isku Dayey Inay Qabtaan Markab Ingiriisku Leeyahay

UK (HCTV) – Saddex doonyood oo Dawladda IRAN leedahay ayaa isku dayey inay joojiyaan Markab Shidaal oo Ingiriisku leeyahay, kaasi oo marayey Marinta Hormuz, sida ay Khamiista Maanta sheegtay Dawladda boqortooyada Ingiriisku.

Arrintan ayaa ah tii ugu dambaysay ee ka midka ah Xiisadda sii cakirmaysa ee ka taagan Khaliijka Persia.

War Qoraal ah oo Dawladda Ingiriisku soo saartay ayaa lagu sheegay in Markabka Ingiriisku leeyahay HMS Montrose ay dhinacyada ka galeen Doonyo ay leedahay IRAN, isla-markaana culays ku saareen inay joojiyaan, balse Hadallo Afka ka tagay dhanka Markabka Ingiriiska ah ayaa keenay in Doonyaha Iran ka noqdaan damacoodii oo ay dib iskaga noqdaan, sida uu sheegay Wargeyska Washington Post oo HCTV soo xigtay.

“Waxaanu ka wer-wersanahay in Ficilladani sii socdaan..” ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxay Ingiriiska, kaasi oo intaa ku daray “Waxaanu ku waaninaynaa Masuuliyiinta Iran in aanay Xaaladda Gobolka sii cakirin..”

Laakiin, Ciidammada Illaalada Kacaanka IRAN ayaa iyaguna beeniyey Warka ka soo baxay Dawladda Ingiriiska, waxayna sheegeen in aanay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay Hawl-gallo noocaas ah ku lug lahayn, sida ay ku baahisay Wakaaladda Wararka ee Fars news.

IRAN ayaa waxay hore uga digtay in Britain ay Cawaaqib-xumo kala kulmi karto qabashada Markab weyn oo IRAN leedahay oo Shidaal siday, kaasi oo Ingiriisku qabtay, welina gacanta ku hayo.

Markabka IRAN ee Dawladda Ingiriisku qabatay ayaa marayey Biyaha Badda ee Mediterranean-ka, waxayna Sababta ay u qabatay ku sheegtay inay fulinayso Cunaqabatayntii lagu soo rogay IRAN.

Hormuz  ayaa ah Marinka ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan Maraakiibta Shidaalka qaada ee Adduunka u kala goosha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka