Khartuum: Xayiraaddii Internet-ka Oo La Qaaday Iyo Khasaaraha Sudan Ku Qabtay Maqnanshihiisa

Suudaan (HCTV) – Qaar ka mid ah Dadka Internet-ka Isticmaala ee reer Suudaan ayaa Salaasadii dib hawada ugu soo noqday, ka dib markii Maxkamad Amar ku siisay Shirkadaha Isgaadhsiinta inay Internet-ka dib u furan.

Shirkadaha Isgaadhsiinta ayaa Internet-ka Xayiray, ka dib markii Sababo amaan-xumo darteed ay Millateriga xukuma Suudaan amar ku siiyey inay Internet-ka joojiyaan, Maalmihii dibed-baxyadu ka dhacayeen Magaalooyinka waaweyn ee Suudaan.

Shirkadaha ayaa hore u joojiyey nooc hab kasta oo Internet-ka loo adeegsan karo, sida Internet-ka Mobile-ka laga dhex isticmaalo (Data) iyo Xadhigga la geliyo koombiyuutarka, sida laga soo xigtay Urur Arrimaha ku taxaluqa.

Dadka Internet-ka Isticmaala ayaa rajeynayey in go’naanshiyaha Internet-ku dhammaan doonto marka Millateriga xukuma Suudaan iyo Rayidku ku dhawaaqaan Heshiiskooda, kaasi oo ahaa inay saddex sannadood xukunka wadaagayaan.

Laakiin, illaa hadda waxa la soo celiyey uun Khadadka Moobeellada dhexdooda laga isticmaalo ee loo yaqaano (MTN), ka dib amarka Maxkamadda.

Dadka Aqoonta u leh Internet-ku waxay ku qiyaaseen in Maqnaanshiyaha Internet-ku uu Suudaan Maalintii ku taagan yahay 10 Million Dollars.

Khabiir dhanka Xuquuqda Aadamaha ah ayaa sheegay in Maqnaanshiyaha Internet-ku uu waxyeeleeyay gargaarkii Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay ka wadday Suudaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka