Faransiiska Oo Lagu Eedeeyay Inuu Jebiyey Cunaqabayntii Hubka Ee Liibiya

Liibiya (HCTV) – Dawladda Faransiiska ayaa iska fogaysay eedaymo loogu jeediyey inay jabisay Cunaqabaynta Hubka ee saarnayd Dalka Liibiya.

Faransiiska ayaa eeddan loo soo jeediyey, ka dib markii Afar ka mid ah Gantaalihiisa difaaca Taangiyada laga helay Liibiya.

Hubkan la sheegay in Faransiisku leeyahay ayaa laga soo saaray Xero Ciidammada General Khaliifa Xaftar ku leeyahay Koonfurta Magaalada Tripoli.

Ciidammada General Xaftar waxay xilligan ku jiraan dagaal ay ku doonayaan inay Maamulaan Magaalada Tripoli.

Tripoli oo dagaalku ka socdo waa hoyga Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay, waxaana dagaalkan socda bishii April ee sannadkan bilaabay Ciidammada General Khaliiifa Xaftar, illaa bishaana waxa ku dhintay boqollaal Qof.

Hubka la sheegay in Faransiisku leeyahay ee laga helay Dalka Liibiya ayaa Faransiisku ku sheegay inay ahaayeen kuwo loogu talo-galay inay Ciidammadu ay ku ilaaliyaan Sirdoonka baadhaya hawl-gallada kooxaha Argagixisada.

Hase-ahaatee, Dawladaha Imaaraadka Carabta, Masar iyo Faransiiska ayaa hore Warbaahintu u baahisay inay taageero siiyaan Ciidammada General Xaftar, halka Turkiguna taageero Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Saldhiggeedu yahay Tripoli.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka