Madaxweyne Trump Oo Kulan La Yeelanaya Shirkadaha Baraha Bulshada

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa qorshaynaya inuu kulan la yeesho masuuliyiinta shirkadaha Baraha Bulshada ee dadweynuhu ay isticmaalaan shir maanta ka dhici doona aqalka cad ee looga arimiyo dalkaasi.

Shirkan ayaa la filayaa in Madaxweyne Trump iyo shirkadahaasi baraha bulshada ee “social media” lagaga hadlo waxyaalaha loo baahan yahay in la faafreebo ee aan bulshada u wanaagsanayn.

Hase yeeshee shirkan ayay sheegeen shirkadaha Facebook iyo Twitter in aan lagu casuumin.

Sidoo kale waxa la rumaysan yahay in baraha bulshada lagu baahiyo wararka aan xaqiiqada ahayn ee Fake News-ka loo yaqaano kuwaas oo loo baahan in shirkadahaasi ay wax ka qabtaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.